Gudoonka gobolka Bari oo soo saaray amarro ka dhan ah shirarka siyaasadeed ee Bosaso

Published: January 3, 2023

Gudoonka gobolka Bari ayaa soo saaray amarro ka dhan ah shirarka siyaasadeed ee ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon ayaa lagu mamnuucay qabashada shirarka siyaasadeed ee ka dhaca hoteelada magaalada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in cidii shir siyaasadeed qabsaneysa ay warqad codsi ah ka heysato guddiga nabad gelyada gobolka Bari.

Saraakiisha booliska gobolka ayaa iyaguna lagu amray iney fuliyaan awaamirtan, waxaana dadka shirarka qabsanaya la faray in 24 saac kahor ay warqada fasaxa heystaan.

Horseed Media