Guinea oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha

Published: October 18, 2020

Dadka dalka Guinea ayaa maanta oo Axad ah u dareeray in ay codkooda ku doortaan Madaxweyne doorashadan ayaa la filayaa inay noqoto loolan adag oo u dhexeeya Madaxweynaha hadda xilka haya iyo hoggaamiyaha mucaaradka ee muhiimka ah.

Ku dhowaad 5.5 milyan oo cod-bixiyeyaal diiwaangashan ayaa ka codeynaya qiyaastii 15,000 oo goobo cod-bixin ah. Natiijooyinka waxaa la filayaa 24 saacadood gudahood ka dib codbixinta oo xirmaysa 6da fiidnimo waqtiga 18:00GMT.

Musharaxa Madaxweynaha wuxuu ubaahan yahay inuu xaqiijiyo in kabadan boqolkiiba 50 codadka si uu u guuleysto.

Laba iyo toban musharax ayaa ku tartamaaya xafiiska ugu sareeya ee dalkaas, laakiin kaliya Madaxweynaha hadda xilka haya, Alpha Conde, iyo Cellou Dalein Diallo, oo 68 jir ah oo hogaamiya xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Union of Democratic Forces of Guinea (UFDG), ayaa la sheegayaa inay ahytaan fursadaha ugu wanaagsan.

Alpha Conde

Conde, oo 82 jir ah, wuxuu horey uga guuleystey Diallo labo jeer oo hore, sanadihii 2010 iyo 2015, dadka falanqeeya siyaasada ayaa saadaalinaya inuu ku guuleysan doono shan sano oo kale.

Musharaxnimada Conde ayaa la xaqiijiyay kadib afti loo qaaday bishii Maarso – codbixinta oo sare u qaaday walaaca laga qabo in Guinea ay raaci doonto wadadii ay mareen wadammada kale ee Afrika ee madaxdooda ay diidayaan inay xukunka wareejiyaan isla markaana dalbadaan mar saddexaad in ay tartamaan iyada oo dastuurka wax laga beddalaayo.

Conde, ayaa lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka muddadii tobanka sano ahayd ee uu xukunka hayay, wuxuu ballan-qaaday inuu sare u qaadidoono nolosha bulshooyinka saboolka ah iyada oo loo marayo maal-gashiga macdanta iyo guryaha haddii dib loo doorto.

Cellou Dalein Diallo

Dhanka kale, Diallo, wuxuu ballan-qaadayaa inuu horumarin doono kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, iyadoo diiradda la saarayo ballaarinta korontada iyo biyaha.

U diyaar garowga codbixinta waxaa hadheeyay toddobaadyo mudaharaadyo rabshado wata oo dowladda looga soo horjeeday, oo inta badan ay hogaaminayeen kooxo taageersan xisbiyo mucaarad ah, taasoo keentay in la adkeeyo joogitaanka amniga guud ahaan waddanka Galbeedka Afrika.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *