Guud ahaan umadda Islaamka oo maanta u dabaal degay maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa

Published: July 9, 2022

Guud ahaan Ummadda Muslimiinta ee ku kala sugan daafaha caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Dadyowga Islaamka ayaa subaxa hore ee maanta isugu soo baxay Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Salaada Ciidul Adxaa.

Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay gudanayaan mid kamid ah munaasabada Islaamka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *