Guudlaawe: “Waxaa naga go’an Hirshabeelle oo dhan inay ka dhacdo doorasho gole deegaan

Published: March 2, 2024

Munaasabada caleema-saarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hishabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee sharci-dejinta iyo fulinta, hay’addaha amniga, xubnaha la doortay ee golaha deegaanka, koox fanneedka Hiddo, warfaafinta gaarka loo leeyahay iyo marti-sharaf kale.

“Waxaa naga go’an in Hirshabeelle oo dhan inay ka dhacdo doorrasho gole deegaan taas oo ay bulshada kusoo dooranayaan dadka u khidmeynayo waana hab-ka saxda ah ee Dowladnimada.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa guullaha siyaasaddeed ee la gaaray ku tilmaamay kuwa Hirshabeelle ku sii riixayo wadajirka iyo wax wada-qabsiga.

Horseed Media