Guurtida Soomaaliland Oo Meel-mariyey Xeerka Doorashooyinka

Published: October 6, 2020

Golaha Guurtida Soomaaliland oo maanta kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa, waxay ka doodeen xeer doorashooyinka Soomaaliland iyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha.

Kulanka oo ay soo xaadireen 53 xildhibaan ayaa dood kadib waxaa sharcigan ogolaatay ansixintiisa 49 mudane, labo ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sidaas ayaa lagu ansixiyey xeerka guud ee doorashooyinka Soomaaliland.

Sharcigan oo haatan loo gudbinayo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi ayey maalmo kahor meel-mariyeen golaha wakiilada Soomaaliland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *