Published: September 20, 2021
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/09/RW-RWK-GASBFS.jpg)
Dhinacayada kasoo jeeda Somaliland ee xubnaha ka ah Dowlada Federaalka oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyihii Aqalka Sare iyo Raysalwasaare kuxigeenka ayaa soo saaray sharuudaha murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare iyo wadada loo marayo doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland.
Qoraalka Axadii la shaaciyey oo ay ku xusan yihiin 7 sharuud oo laga doonayo inuu buuxiyo murashax iyo qaabka loo soo xulayo murashaxiinta u tartami doonta 11 kursi ee Somaliland ku leedahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/09/Habraaca-Doorashada-Somaliland2021-190921-519x720.jpg)
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/09/Habraaca-Doorashada-Somaliland2021-190921-2-513x720.jpg)