Hadal-jeedinta Madaxweyne Deni iyo Wadada U furan Puntland-MAQAAL

Published: April 15, 2021

Waxa ay Xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni la kowsatay caqabado badan iyo is-mari waa kadhexjiray dowlada Federaalka iyo Puntland oo hadba heer soo marayay, khusuusan wakhtigii ay soo dhowaatay dhamaadka xilli dastuureedka Hay’adaha dowlada Federaalka oo uu wakthi badan ku bixiyay Madaxweyne Dani shirar badan oo amuuraha doorashada ku qotoma.

Shaqo-maalmeedka dowlada waxaa wada wasiirada oo lagu sheego kuwii ugu badnaa ee abid Puntland yeelato (70 wasiiro iyo wasiiro dowlo) balse sida dhabta ahi xafiisyo kooban oo kaliya ayaa shaqeeya. Sida ka jirta Soomaaliya oo dhan waxaa isku milan ama iskor saaaran shaqada iyo masuuliyadaha xafiisyada kala duwan ee dowlada.

Maadama hab Beeleed jagooyika loo qeybsaday, in badan oo kamid ah wasiirada waxaa aad u mashquuliya arimaha reerahooda, kuwaas oo caqabad ku ah gudashada mansabka ay u hayaan dadka Puntland.

Waxaa intaa dheer in aysan jirin qaab lagula xisaabtamo howsha ay qabtaan
taa badalkeeda iyagaa Saxaafadda dowlada mariya fariimaha wax qabad oo ay rabaan in ay la qeybsadaan madaxda sare iyo mushtamaca Puntland.

Tusaale;

Waxaa jira shir isbuucle ah oo u dhaxeeya laamaha amniga ee gobolka Bari oo Boosaaso lagu qabto oo idaacada dowladana ay tabiso, Wuxuuse gudigan fashilmay markii ay suurto gashay in maleeshyo diimeed (Argagixiso) ka badan 120 nin ay Bosaaso soo gaalaan mudo saacado ahna qeyb maagalada kamid ah ka taliyaan howlgalna kasameeyaan, Dad badani ayey fajac ku noqotay, lamana hayo laamaha amniga baaritaankii ay sheegeen in dadka la wadagayaan.

Dulucda qormada; hadal-jeedinta madaxweynaha.

Waxaa jirtay in bishii March sanadkii tagay dowlada Puntland si deg deg aheyd u abaabushay shirkaas oo loogu magacdaray Shirka wadatashiga Puntland, Shirkaasi ma aysan kasoo bixin wax
dhaafsiisan caro ay dowlada Puntland ka muujisay habdhaqanka dowlada Federaalka, laguma gorfeyn mustaqbalka siyaasadeed iyo midka dhaqan dhaqaale ee Puntland wakhtiga dhow iyo kan fogba.

Sidoo kale waxa laga yeelay dafirsanaanta miisaanka Puntland iyo xagal daacinta
mar walba Puntland uga timaada dhanka dowlada Federaalka oo wakhtikasta iyo dowlad kasta taagan.

Sidii laga filayay ma noqon shirkii, caro laga muujiyay dhaqanka dowlada Federalka wax dhaafsiisan kama soo bixin, wuxuu u ekaa mid fariin un ku kooban waayo qodobo macno leh kama soo bixin.

Iminka Xukuumadda Puntland ee madaxweyne Deni mudada xil-haynta waxaa uga harsan labo sano iyo bar,
dhibaatooyinkii ay wadanka ugu timi weli waa taagan yihiin marka laga reebo in ay dhistay Ciidan Puntland oo tayo leh ,Waxaa intaa dheer oo soo siyaaday cudurka Covid-19 oo abuuray dhaqaalo burbur baaxad leh iyo dhibaato caafimaad.

Waxaa sidoo kale hada laga cabsi qabaa abaar iyo biyo la’aan soo wajahda dadka reer miyiga oo sii wiiqda nolosha dadka tabarta yar, Sidookale waxaa muuqata in arimaha siyaasadda ee Soomaaliya ay sii jiitami karaan taas oo abuuri karta in hakad ku yimaado gargaarkii beesha caalamka bixin jirtay.

Duurufahaas aan kor kusoo sheegnay ayaa Puntland ama kajira ama kusoo foodleh.

Hadaba sidaas awgeed hab fakar ahaan aniga waxay ila tahay maadama wakhti xileedka dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Deni ka harsantahay 2.5 sano oo qura waa in ay la timaadaa isbedel leh dhinacyo badan leh, daruufaha siyaasadeed,caafimaad iyo dhaqaale laguma maareyn karo khudbad maalinle ah ama shir khamiisle ah.

Waxaan madaxweyne Deni kula talin lahaa in bulshada qeybaheeda kala duwan uu albaabkiisa u furo la fariisto, dhageysto talooyinkooda intii karaankiisa ah si uu u ogaado daruufaha kajira wadanka talo mideysana loo helo.

Wabillahi Towfiiq.

Waxaa Qoray Axmed Maxamuud.

ahmohamed202@hotmail.com

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Fikrad wanaàgsan baad soo gudbisay walaal axmed
    Dhawr iyo labaatan sano ayay dhisan tahay puntland
    Hadana waxay ka gudbi kari la’dahay in marba hogaanka yimaada uu la mid noqdo kii hore oo waqtiga ku dhameeya waxqabad la’aan