Dab Xoogan oo Sababay Dhimasho, Dhaawac & Khasaare Hantiyadeed oo ka kacay Suuqa Bakaaraha Muqdisho

Published: March 10, 2024

Dab xoogan oo saaka ka kacay suuqa Bakaaraha ayaa lagu guuleesatay damintiisa, kaas oo khasaare nafeed iyo hantiyadeed gaystay sida uu sheegay guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in hal qof oo ah ilaaladii suuqa uu ku dhintay, isagoo sheegay in uu ka dhashay kadib markii qaraxyo soo abaabuleen khawaarijta lagu qarxiyay halkaas.

Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in dhawaan maxakamad lasoo taagi doono xubna la qabtay iyagoo qaraxyo dhigayo gudaha suuqa weyn ee Bakaaro, isagoo dhanka kale sheegay in ay socdaan baaritaanno la xiriira baarista kuwa ka dambeeyay dabkaas.

Qaar kamid Ganacsatada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku bas-beeleen dabka ilaa 12 xaruma gancsi, iyagoo sheegay inay socdaan tira-koobka rasmiga ah iita uu la egyahay dhaqaalaha ku burburiyey dhibkaas ka kacay Suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Horseed Media