Hanaanka Cusub oo Lagula Tacaalayo Tahriibta iyo Ka Ganacsiga Dadka

Published: August 26, 2019

Tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka waa dembiyo dardaran, oo ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo, ay ku jirto xita dhimasho. Dembiyada noocan ah, had iyo goor waa dembiyo caalami ah, waxayna guud ahaan gaadheen heer aad u sarreeya, taas oo keentey, mas’uulinta Soomaaliland in ay uga hortagaan qorista Sharciga ka hortagga Tahriibta iyo ka ganacsiga Muhaajiriinta. Si loo taageero hawshan, Xafiiska Hay’adda EUCAP ayaa wuxuu fududeeyay aqoon-isweeydaarsi labo maalmood qaatay oo ka dhacay Hargeisa, kaas oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland.

Labaatan qof, oo saddex kamid ah ay ahaayeen dumar, ayaa ka doodey sharcigan iyo caqabadaha ay la kulmaan inta ay la dagaalamayaan dembiyada la xidhiidha ka ganacsiga dadka iyo tahriibta. Waxa kaloo ay dhageysteen bandhig ku saabsan shaqooyinka iyo dadaallada UNHCR ee looga hortago ka ganacsiga dadka. Ka qeybgalayaasha oo ahaa, garsooreyaal, xeer-ilaaliyeyaal, iyo wakiilo ka socda Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo Socdaalka, dhamaan safka hore ayay kaga jireen, sidoo kale waxay qeyb ka ahaayeen silsilada ku dhaqanka Sharciga oo muhim u ah la dagaallanka dembiyadaas.

“Dhammaantiin waxaad ka socotaan hay’adaha Muhiimka ah, waxaadna mas’uul ka tihiin ficillada ka dhanka ah tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka. Inta lagu guda jiro aqoon isweydaarsigan, waxaan ka wada hadli doonnaa isla markaana daraasad ku sameyn doonaa sharciga qabyada ah ee cusub ee looga hortagayo tahriibinta iyo ka ganacsiga qaxootiga. Intaa waxaa sii dheer, tani waa fursad lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha sharciga ee kala duwan, iyo in la caddeeyo doorka aad ku leedihiin silsiladdan,” ayuu yidhi Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan M Aden markii uu furay aqoon-is-weydaarsiga 18-kii Agoosto.

Ka qeybgalayaashu iyagoo loo qeybiyay koox shaqo, waxay falanqeeyeen qabyo-qoraalkan sharciga, waxayna soo bandhigeen waxyaabihii ay heleen, iyagoo soo jeediyay in la saxo dhowr meelood. Waxay sidoo kale ka wada hadleen caqabadaha, kuwaas oo caqabad ku ah shaqadooda maalinlaha ah ee ka dhanka ah ka ganacsiga dadka iyo tahriibinta. Waxay carrabka ku adkeyeen in hirgalinta saxda ah ee Sharciga ay fure u tahay wax ka qabashada dambiyada noocan ah.

Yaxye Aw-Aadan, Xeer-ilaaliyaha Wajaale (waa magaalo xuduudeed oo u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, halkaas oo tahriibtu ay aad ugu badan tahay), ayaa tusaale u soo qaatay:

Waxaan la tacaalaynaa ganacsato, tahriibiyeyaal maalqabeeno ah. waxaan ganacsadaha noocan ah keenaa maxkamad waxaanan ku maxkamadayn karnaa caddeyn buuxda laakiin maalmo kadib, waxaan maqalnaa in la sii daayay, ka dib markii uu bixiyay ganaax, kadibna wuxuu sii wadanayaa ganacsigiisii sharci darrada ahaa. Waxaan u baahanahay waa inaan dib u dhaqan gelinno oo uu dhaqan galo Sharciga. Taas ayaa noo suuragelinaysa inaan ka hortagno dambiyada ama ugu yaraan aan yareynno tirada dambiyada, ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Aw-Aadan.

Garyaqaanka Guud ee Somaliland Cabdisamad Maal ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dhagaysto talooyinka ka soo qayb galayaasha iyo faallooyinka ku saabsan Sharciga qabyada ah ee cusub wuxuuna ballanqaaday in soo jeedintooda lagu tixgelin doono wajiga ugu dambeeya ee Sharciga. Ka qeybgalayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen inay aad u muhiim tahay in la ansixiyo sharciga cusub sida ugu dhaqsiyaha badan taas oo u saamaxeysa inay si wax ku ool ah u maxkamadeeyaan ugana hortagaan tahriibta iyo ka ganacsiga dadka.

Waa tallaabo aad u wanaagsan oo horay loo qaaday in Xeer Ilaaliyaha Guud uu qabanqaabiyay aqoon isweydaarsigan, kaas oo lahaa qeybaha sharciga iyo dabaqid labadaba. Cusboonaysiinta sharciga qabyada ah ee cusub, dooda iyo laylisyada kooxeed ayaa ka qaybgalayaasha siiyay hanaan oo lagula dagaallamayo tahriibinta iyo ka ganacsiga tahriibayaashaÔÇØ, ayuu yiri La-Taliyaha Sharciga ee EUCAP Ib Kok Hansen.

XAQIIQ: Maxay ku kala duwan yihiin tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka? Tahriibinta aadamiga waa dhaqdhaqaaq sharci darro ah oo dadka ka gudba xuduudaha caalamiga ah iyadoo lacag la bixinayo. Ka ganacsiga dadka waa genyta dadka meelkale si looga faa’iideysto. Waxaa kamid ah xaalad khasab ah. Ka ganacsiga dadka waa heer qaran mana aha qasab inuu ku jiro ka gudbida xuduudaha caalamiga ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *