Hantidhowrka Qaranka oo amar dul dhigay Hay’adaha DFS

Published: July 19, 2022
Hantidhowrka Guud ee Qaranka Soomaaliya

Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in Hay’adaha dowladda Soomaaliya ay galaan heshiisyo waa wayn, inta laga ansixinayo xukuumad rasmi ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka ayaa lagu cadeeyey in hey’adaha dowladda qaar laga hor istaagay tallaabooyin ay ku saxiixi rabeen qandaraasyo ku kacaya malaayiin dollar.

“Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka wuxuu ka warhelay in qaar ka mid ah hey’adaha dowladda ay bilaabeen qorsheyaal lagu meel marinayo dhaqan gelinta heshiisyo waaweyn oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaas oo dalka ku yeelanaya saameyn dhaqaale oo xoog leh,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Amarkaan kasoo baxay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa daba socday kadib markii ay soo baxday in Xubnaha Golaha Wasiirada ee xilgaarsiinta ah inay heshiisyo ku kacayay malaayiin dollar ay la galeen Shirkado iyo dowladdo kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *