Hargeysa: Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo si adag uga hadlay dagaalka ka socda Laascaanood

Published: March 1, 2023
Shares64

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe qoraal ka soo saaray xaaladda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xiisadda Laascaanood ay ka dhalatay ishortaagga uu Madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyey dadka degaankaas ee si nabad ah u bannaan baxayey.

“Qalalaasihii ka dhashay arxan darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dadkii rayidka ahaa ee bannaan baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad-barre.” ayuu Faysal Cali Waraabe ku yiri qoraalkiisa.

Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale sheegay in la gaaray xiligii la isu iman lahaa oo loo midoobi lahaa badbaadinta Somaliland lagana badbaadin lahaa xulufada isa soo baahaystay.

Horseed Media