Hargeysa: Musharax Cirro oo Puntland ku eedeeyey inay duulaan ku soo qaaday gobolka Sool

Published: March 4, 2023

Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah WADANI Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in dagaalka ka socda halkaasi uu yahay mid sokeeye.

“Dagaalka Laascaanood waa dagaal sokeeye  , Muuse waxaan leeyahay intii aad taladii dalka la anban  kareysay waad la anbatey, Meedey Somaliland-tii mideysneyd” ayuu yiri Musharrax Cirro.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cirro ayaa cambaareeyay duulaan uu sheegay inay Puntland kusoo qaaday Gobolka Sool.

Ugu dambeyn Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah WADANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa bogaaniyey Ciidanka Somaliland  sida ay iska difaaceen ciidanka Puntland.

Horseed Media