Hargeysa: Sarkaal ka soo jeeda Laascaanood oo maydkiisa laga heley xafiiskiisa

Published: February 11, 2023

Kabtan Cabdillaahi Sugaal oo ahaa taliye Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaalada Hargeysa ayaa maydkiisa laga heley xafiiskiisa oo uu saaka u shaqo tagay

Taliyaha oo ka soo jeedda beel ahaan gobolka Sool gaar ahaanna Magaalada Laascaanood ayaa hadda maydkiisii la dhigay CID Hargeysa.

Eheladda ayaa sheegay in aan  wali loo ogolaan in arkaan maydka marxuunka faahfaahina aan laga siin dhimashadiisa.

Geeriyada sarkaalkan ayaa ku soo beegmeysa xilli dagaal culus uu magaalada Laascaanood ku dhex marayo dadka degaanka iyo ciidamada Somaliland.

Horseed Media