Haweenay Loo Doortay Gudoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka Galmudug

Published: January 17, 2020

Barlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa haweenay u doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka.

Haweenaydan oo lagu magacaabay Faaduma Cabdi Cali {Faandhe} ayaa 47 cod kaga guuleysatay doorashada Maxamed Sheekh Axmed Maali oo kursigaas kula tartamay oo helay 41 Cod.

Faadumo ayaa c noqonaysaa haweenaydii u horraysay ee loo doorto Guddoomiye ku-xigeenka barlamaanada maamul goboleedyada iyo federaalka ee Dalka

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee barlamaanka Galmudug ayaa waxaa ku guulaystay Cabdullaahi Xirsi Maxamed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Fadlan iska saxa magaalka. Baarlammanka Hirshabeelle waxaa Guddoomiye ku xigeen ka ah gabar la yiraahdo Canab. Tan Galmudug uguma horreyso gabar guddoomiye ku xigeen noqotay.