Haweenka Goblka Bari oo Soo Dhoweeyey Go’aamadii Kasoo Baxay Garoowe-2

Published: February 19, 2012

Ururada haweenka ee gobolka Bari ayaa soo dhoweeyey heshiiskii lagu gaaray shirkii dhowaan kusoo gaba gaboobey magaala-madaxda Puntland ee Garoowe.

Gudoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Bari Maryan Maxamed Xasan (Guduudo) ayaa sheegtay in ay si weyn u soo dhoweynayaan qodobadii kasoo baxay dhamaadkii shirka Garoowe-2.

Waxayna tilmaantay in Garoowe-2 ay kasoo baxday guul weyn oo usoo hoyatey haweenka Puntland iyo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan.

Maryan(Guduudo) ayaa sheegtay in go’aanka lagu gaarey kordhinta xubnaha haweenka ah ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la gaarsiiyey %30 ay tahay wax aad loogu farxo haseyeeshee ay jeclaan lahaayeen in intaas looga sii kordhiyo.

Gudoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Bari Maryan Maxamed Xasan (Guduudo) ayaa dhinaca kale ka hadashay khilaaf mudooyinkii u danbeeyey soo kala dhex galay iyaga iyo mas’uuliyiinta ugu sareeya wasaarada haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska ee Puntland.

Waxaynta tilmaantay in khilaafkaasi uu ahaa mid aan weyneyna haseyeesheeay haweenka gobolku cabasho ku aadan waxqabad la’aanta xafiiska wasaaradda ee gobolka ay u gudbiyeen Wasiirka wasaarada Caasho Geelle Diiriye balse aysan weli wax jawaab ah arintaas kasoo celin.

“Wax dhibaato ah oo sii fog ma ahayn, waana laga heshiin doonaa, caasho geele wax ceeb ah maleh, balse waa lays dhaliilaa, waxqabad la’aanta in laysku dhaliilana khalad ma ahan” Maryan Guduudo ayaa tiri.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyo guud ahaan Soomaalida ayaa si weyn usoo dhoweeyey go’aamadii kasoo baxay shirkii Garoowe-2 ee ay wada saxiixeen madaxda Soomaalida ee shirkaas ka qayb galay.

 

Horseed Media