Hawlgalkii gobolka Afdheer ee al-Shabaabka halkaas galay, oo la soo afjarey – War murtiyeed

Published: July 23, 2022
Dagaalkii Afdheer oo la soo afjarey
Madaxweynaha Dowladda Soomaalida itoobiya Mustafe Cagjar oo goobaha dagaalka ku sugan

Waxaa la soo afjarey hawlgal qaatey maalmo kadib markii boqolaal dagaalyahanada al-Shabaab iyo Malayshiyaad kale ay gudaha u galeen Dowladda Deegaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Af-dheer ee xadka kala leh gobolka Bakool.

War murtiyeed ka soo baxay Guddiga Amniga ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in kooxdan argagixisada ah ujeedkoodu ahaa in ay u gudbaan ismaamulka Oromiya si ay uga mid noqdaan koox argagxiso ah oo loogu yeero Shane.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 100 al-Shabaab ah la dilay.

Hoos ka akhri War murtiyeedka:

Waxaa la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba Argagixisadii naf la caariga ahayd.

Kooxdan Argagixisada Alshabaab ayaa ujeedkooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.

Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaadhin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.

Hawlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.

Guusha ay gaadheen Geesiyada xooga gaarka ee Dawlada Deegaanka Somaalida iyo in la soo af jaro hawlgalka waxaa qayb libaax ka qaatay Shacabka Deegaanka Soomaalida, oo Ciidamada Xooga gaarka ah garab istaag heerkii usaraysay umuujiyay, iyagoo ugu deeqay Raashin kala duwan, Xoolaha nool, Cabitaanno, Lacag iyo waliba Dhiig-shubis.

Sidaas darteed Golaha amaanka ee Dawlada Deegaanka Soomalidu waxa uu u mahad celinayaa shacabka Deegaanka oo sidii horayba loogu yaqiinay ugarab istaagay Ciidamadooda.

Ugu dambayn Goluhu waxa uu shacabka la wadaagi doonaa xogaha ku saabsan Hawlgalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *