Hay’ada IAEA oo eedeysay Dowladda Iiraan.

Published: March 4, 2020

Hay’adda Tamarta Atomigga Caalamiga ah ee IAEA ayaa Dowladda Iiraan ku eedaysay inay hareer martay sharciyada Caalamiga ah ee la xiriira xakameynta Hubka Nucliyerka.

Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan ayaa la sheegay inuu si weyn u sii kobcayo isla markaana ay jiraan goobo cusub oo ay xukuumadda Tehran si qarsoodi ah ugu farsamayso barnaamijkeeda ku saabsan bacriminta macdanta Yuraaniyamka ee laga farsameeyo  Nukliyeerka.

Hay’ada IAEA, ayaa Dowladda Iiraan ku dhaleeceysay sida ay ugu guuldarreysatay inay ka jawaabto su’aalaha la xiriira howlaha Nukliyeerka, waxanay sheegtay in ay Tehtan dooneyso inaan lala socon howleheeda ku aaddan Hubka halista ah iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *