Hay’adda Amnesty International oo war ka soo saartay duqeymaha ay Somaliland ka geysatay Laascaanood

Published: April 20, 2023

Warbixin ay soo saartay hay’adda Caalamiga ah ee Amnesty international ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen lagu ogaaday in dhamaan duqeymaha lala dhacay Laascaanood tan & markii uu dagaalka bilowday ay geysteen Ciidamada Somaliland si aan kala sooc lahayn.

Dhimashada & dhaawaca tiro beelka ah ee duqeymahaas wax ku noqday waxay hay’addu ku sheegtay inay masuuliyadeeda leedahay Somaliland oo dagaal kula jirta dadka deegaanka SSC-khaatumo oo taageero ka helaya qabaail-da kale.

“Waa in uu jiraa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo dhammaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga bini’aadantinimada si loo xaqiijiyo la xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah iyo magdhowga dhibanayaasha,” ayuu yiri Tigere Chagutah, Agaasimaha Gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Amnesty waxay ka digtay in la weeraro bahda Caafimaadka sida isbitaalada gadiidka gurmadka degdega ah ee qaadaya dadka waxyeeladu gaartay, goobaha cibaadada & dadka rayidka ah.

Hay’adda ayaa falanqeyn ku sameysay sawirro dhowr ah oo muujinaya haraadiga hub laga soo aruuriyay qeybaha kala duwan ee magaalada laascaanood, waxaana la xaqiijiyay in uu ahaa haraadiga gantaalada 107mm, waxaana burburka guryahaasi uu la mid yahay in lagu garaacay gantaalo cabbirkooda la eg. Amnesty International ma helin xogta  dalka laga sameyay hubkaas, balse waxay ku qiimeysay inay yihiin hub inta badan laga isticmaalo Somaliland.

Amnesty ayaa rumeysan in xaalada Dagaalka ay ka dhalatay dadka oo kacdoon ka muujiyay dilal loo geystay dad rayid ah oo ka soo jeeda qabiilada deegaanka degan kuwaas oo muddo dheer aan loo helin xal iyo in lala xisaabtamo dadka dhibtaas geysanayay.

Beesha caalamka ayaa ku cadaadineysa Somaliland inay aqbasho baaqyada dhinacooda ka imaanaya oo ah inay ciidamadeeda kala baxdo agaga dagaalka geysana goobaha la isla qorsheyay sida hore loogu sheegay warsaxafadeed in ka badan 15 dal ka soo saareen Xaalada Gobolka Sool .

Horseed Media