Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo digniin adag ka soo saartey laba kacleynta COVID-19

Published: July 14, 2020
Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sare u qaadayaa farriin digniin ah oo ku socota maamulada dalalka adduunka iyo dadkaba. “Haddii aan la raacin taxadarka aasaasiga ah, masiibada ayaa ka sii dari doonta oo ka sii dari doonta”, sida uu yiri agaasimaha WHO Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus khudbad uu ka jeediyay.

Khudbadda, wuxuu dadka ku boorriyay inay kala fogaadaan, gacmahooda dhaqaan, maaskaro wajiga ku xirtaan, dadka xanuunkan dareema oo guryahooda ku sugnaada.

Xanuunka COVID-19 ayaa dalalka qaarkood laba kacleyn ku sameeyey sida dalka Maraykanka, Australia iyo Ruushka. Gobolka kalafoorniya ayaa mar kale xirey goobaha maqaaxiyha ah iyo baararka cabbitaanka.

Waxaa si weyn casbi looga qabaa xiliga qaboobaha in uu mar kale cudurku gaaro heer ka xun sidii hore.

Dad ka badan 13 milyan oo qof oo caalamka ku nool ayuu ku dhacay Korona Fayras, waxaa u geeriyoodey dad ku dhaw 600 oo kun oo qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *