Hay’adda FAO Oo Kordhisay Hawgalada Xakamaynta Ayaxa Ee Soomaaliya

Published: July 10, 2021

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee (FAO) ayaa sheegtay inay kordhisay howlgallada cirka ah ee lagu xakameynayo Ayax farabadan oo ku nool meelo kamid ah waqooyiga Soomaaliya.

Warbixinteedii ugu dambeysay ee ay soo saartay, ayay hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ku sheegtay in ayan jirin Ayax lagu arkay intii lagu guda jiray sahamin ay ka sameeyeen degaannada Puntland.

“Hawlaha ugu badan ee howlgallada dhinaca Hawada ah ayaa socda si uusan ugu faafin Ayaxa yar yar ee haray kaa oo ka soo duulay xeebta waqooyigi galbeed ee Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Somaliland,”

Hay’adda FAO

Waxay sheegtay in waxtarka sahaminta iyo hawlgallada xakamaynta ee hadda ka socda waqooyiga Soomaaliya, ay saamayn ku yeelan doonto baaxadda Ayaxa kusii qul qulaya waqooyi bari Itoobiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *