Hay`adda MSF oo Dib uga Howlgalaysa Somaliya

Published: January 26, 2017

Hay`adda Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa ku dhawaaqday in dib u bilaabayso adeegyadii caafimaad ay ka fulin jirtay degaamadda Soomaaliya inta ka horraysa bisha April ee Sanadkan.

MSF oo muddo 22 sanno ka howlgali jirtay Somaliya ayaa bixin jirtay adeegyo caafimaad oo isugu jira caafimaadka hooyada uurka leh, quudinta iyo daaweyn caruurta nafaqada darrada hayso, Tallaalka iyo ololaha Soomaaliya, ayaa Saddex sanno ka hor ka baxday Soomaaliya ka dib markii la weeraray shaqaalaheeda

Wakiilka hay`adda MSF ee Soomaaliya Guatam Chetterje, wuxuu sheegay in bisha april ay si rasmi ah u bilaabi doonaan adeegyadii caafimaad, waxaana la filayaa in adeegyada ugu horreeya ka fulin doonaan degaamada ay abaartu saamaysay ee gobolka mudug iyo gobolada kale ee Dalka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *