Hay’adda NISA oo shaacisay magacyada saraakiil al-Shabaab ah oo hawlgal lagu diley

Published: September 13, 2023

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee loo soo gaabiyo NISA ayaa shaacisay magacyada qaar ka mid ah horjoogeyaashii al-Shabaab ee lagu laayay hawlgalladii ugu dambeeyay ee laga fuliyey gudaha Soomaaliya.

War saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in hay’addu ay si dhaw ula socotay dhaq-dhaqaaqyada iyo xogta horjoogeyaasha hadda la dilay iyo kuwa kale ee wali baxsadka ah kuna dhuumaalaysanaya dhulka hawdka ah.

Xogta horjoogeyaasha la dilay:

  1. Horjooge Sheekh Cabdullaahi waxa uu ka shaqeyn jirey oo argagxisiada u qaabilsanaa deegaanka Number 50 ilaa iyo deegaanka Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay hawlgalkii Awddheegle.
  2. Horjooge Cali Timajilic waxa uu ahaa horjoogaha Caafimaadka ee argagxisada qaybta loogu yeero Jaylaani oo ka hawlgasha Gobalka Shabeellaha Hoose, Waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
  3. Horjooge Bashiir Dheere waxa uu ahaa ka hawlgalaayey aagga Buula-mareer waxa uuna si gaar ah u hogaaminayay Maleeshiyaadka ay ugu yeeraan qaybta Macalin Salaxay, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
  4. Cabdiqafaar oo loo yaqaano macalin Nadaara waxaa uu Alshabaab ku biiray 2009 waxa uu qayb ka soo ahaa Jabhadaha Muqdisho gaar ahaan qaybta dilalka, ka dib waxaa lagu daray qaybta ay ugu yeeraan jugta culus ee weerarada qaada.Hadda waxa uu ahaa sida ay NISA sheegtay, horjooge xagga marin baabinta u qaabilsanaa Alshabaabka ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
  5. Shaaciye Maxamed Cali oo loogu yeeri jiray Kufridiid, waxa uu ahaa horjooge dhinaca waxyaabaha qarxa ah oo ka hawlgala jiray gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
  6. Sakariye Maxamed Bashiir oo loo yaqaanay cadnaan ama Sandheere, 2011-kii ayuu Alshabaab uga biiray Muqdisho waxa uu inta badan kasoo shaqeyay qaybta ay ugu yeeraan jugta culus, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
  7. Horjooge Axmed Cali Daahir Shuuke, waa nin muddo dheer ku soo jiray Alshabaab hawlo kala duwanna ka soo qabtay laakiin hadda waxa uu qayb ka ahaa horjoogeyaal loo xilsaaray in ay kiciyaan bulshada si ay Alshabaab u helaan dhallinyaro kale oo u dagaalanta. Horjoogahaan ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.