Hay’adda NISA oo sheegtey in qabteen gaari waxyaabaha qarxa sidey

Published: August 10, 2023

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dalka ee loo yaqaan NISA ayaa sheegtay in ay deegaanka Ceelasha-Biyaha ku qabatay gaari laga soo sidey waxyaabaha qarxa.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan deegaanka Ceelasha-Biyaha ayaa gacanta ku dhigay gaari siday walxaha qarxa, waxaana la dilay darawalkii waday kadib markii uu isku dayay inuu baxsado.” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga ay NISA ku leedahay shabakadda X.

“NISA waxaa ka go’an ka hortagga iyo fashilinta dhammaan qorshayaasha ay argagixisadu isku dayaan inay dadka ku dhibaateeyaan.” ayaa qoraalka lagu sheegay.

Maalmihii u dnabeeyey waxaa hay’addu ka digeysey in ay magaalada Muqdisho ku jiraan gawaari bom lagu xirey oo la rabo in lag waxyeeleeyo dadka degan magaaada Muqdisho, waxaana ay ugu baaqdey in feejignaan dheeraad ah la muujiyo.

Horseed Media