Hay’adda PHA oo dayactir ka wadda jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacayo [Sawiro]

Published: February 16, 2012

Hay`adda dayactirka wadooyinka Puntland ee PHA ayaa hawlo dayactir ah ka wadda jidka u dhexeeya magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe.

Cabdinuur Gaada-yare oo ka tirsan mas`uuliyiinta hay`adda PHA oo Horseed Media ugu waramay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey halka ay howlahaasi marayaan.

Wuxuuna sheegay in jidka la dayac tirayo oo dhererkiisu 24km yahay uu isku xiro magaalada Garoowe iyo degmada Kalabayr.

Cabdinuur ayaa mar ay Horseed Media weydiisey waxa dib u habaynta xiligan wadadaas lagu samaynayo kusoo beegay sheegay in jidkani uu yahay mid si aad u ah burbursan mudo 40sano ka badan aan wax dayactir ah lagu samayn.

Wuxuuna intaas raaciyey in howsha dayactirka jidkan ay ku dhiiradeen kadib markii ay qalab ka heleen DKG ah ee Soomaaliya, qalabkaas oo Gaada-yare uu tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah balse aan dabooli Karin baahida jirta.

Hay`adda dayactirka wadooyinka Puntland ee PHA waxay horay dayactir ugu soo samaysay qaar kamid ah jidadka Puntland oo burbur xoogani uu ka muuqdey.

Waxaana howlaha dayactirka ee ay xiligan ka waddo jidka u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo si diiran usoo dhoweeyey wadayaasha gaadiidka iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe