Hay`adda Qatar Charity oo deeq gaarsiisay degmada Iskushuban -Sawiro

Published: January 26, 2017

Hay`adda Qatar Charity oo kaashanaysa Tadamun Social Society(TASS) ayaa deeq raashiin gaarsiisay 500 qoys oo ka mid ah dadkii abaartu saamaysay, kuwaasoo u soo hayaamay deegaanka Iskushuban oo dhowaan roob yar uu qabtay.

Qoysaskan soo hayaamay ayaa soo foodsaartay daruufo adag oo ay ugu darantahay baad la`aan iyo biyo la`aan.

Hay`adda Qatar oo ka jawaabsa baaqyadii Puntland ayaa deeqdan sii marisay hay`adda maxalliga ah ee Tadamun taasoo ka howl gasha gobollada Puntland.

Deeqdan raashiin ayaa qoyskiiba kusoo aadaysa 25 Kg Bur, 25Kg Bariis, 25Kg Sonkor, 6 ltr Saliid, 4 Kilo timir, iyo 2500 Gr Caano ah.

Munaasabadda wareejinta deeqdan ayaa ka dhacday deegaanka Yadan Yoobil waxaan goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo isagoo gacantiisa ku guddoonsiiyey dadkii soo hayaamay oo isugu jiray kuwa kasoo kicitimay gobollo kala duwan sida Sool, Sanaag, Toghdheer iyo Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa u mahadceliyey hay`adaha Qatar Charity iyo Tadamun sida ay uga soo jawaabeen baaqii lagana filayo inay sii xoojiyaan dadaalka loogu jiro caawinta dadka dhibtu kasoo gaartay abaarta.

Deegaanka Biiki ayaa sidoo kale deeqdan raashiin la gaarsiiyey waxaana dadkii raashiinku gaaray bogaadiyeen in deeqdan lala soo gaaro xilli uu ka dhammaaday xoolihii aysana haysan wax ay oontaan.

Tirada dadka soo gaaray deegaanka raashiinku gaaray oo aad u badnaa owgeed ayaa labadii qoysba la wadaajiyey raashiinka waxaana tirada guud ee ka faa`iidaysatay deeqdan ay gaaraysaa 1000 qoys.

Ma ahan markii ugu horaysa oo hay`adaha Qatar Charity iyo Tadamun oo iskaashanaya ay deegaanadan wax ka fuliyaan laakiin waxaa sidoo kale jira mashaariic ay Qatar Charity ka wado Puntland kuwaasoo isugu jira arimaha bulshada, Waxbrashada iyo gurmadka deg-deg ah.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *