Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen ) ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen ) ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida ee degmada xuddur oo ka mid ah goobaha lagu dhisay Barnaamijka is-xilqaan.
Madaxweynaha ayaa kormeeray guud ahaan dhismaha ay ka koobantahay xarunta ha’yada sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka degmada xuddur waxaana uu shacabka ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixiyeen dib u dayac tirkaan xaruntaan muhiimka u ah degmada iyo guud ahaan amniga.
“Waxaan bulshada ka codsanayaan inay kala shaqeeyaan sugida amniga iyagoo kaashanayo ciidamada sidoo kale waxaan xarumo kale ka furi doonaa dhammaan degmooyinka kale ee dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya”Ayuu ku daray Madaxweyne (Lafta-Gareen).
Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee koofur galbeed soomaaliya Cali Cabdulaahi Isaakh (Cali Gantaal) ayaa ka warbixiyey juhdiga ay geliyeen bulshada xaruunta hay’ada nabad sugida degmada xuddur.
HORSEEDMEDIA