Hay’adda Socdaalka Soomaaliya & Dowladda UK oo Ka Wada Hadlay Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliyeed

Published: February 23, 2024

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Ahmed Said Mohamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tan Dibadda, Xafiiska baasaboorka iyo Xarunta lagu daabaco baasaboorka ee dalka Uk.

Kulamada ayaa waxaa diiradda lagu saaray aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, wadashaqeynta labada dal ee dhanka socdaalka iyo horumarinta xirfadda saraakiisha HSJ.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa iskaashiga caalamiga ah oo ay la leedahay hay’adaha dhiggeeda ah ee dunida, taas oo ujeedkeedu yahay in sare loogu qaado awoodda baasaboorka Soomaaliyeed iyo in laga wadashaqeeyo arrimaha socdaalka.

Horseed Media