Hay’adda sugnaanta cunnada Islaamka oo Siciid Xuseen Ciid u magacaabtey Ergayga gaarka ah ee Afrika

Published: September 12, 2022
Said Hussein Iid

Xoghayaha guud ee hay’adda sugnaanta cunnada Islaamka (IOFS) ayaa sheegay in uu hay’adda ku soo dhaweynaayo mudane Siciid Xuseenn Ciid, wasiirkii hore ee beeraha ee Soomaaliya, waxaana loo magacaabey “Ergayga gaarka” ah ee Afrika ee hay’adda bedqabka cunnada Islaamka ee loo soo gaabiyo IOFS.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda ayaa lagu yiri: “…waxaan aad ugu faraxsanahay in aan hay’adda ku soo dhaweyno Mudane Siciid Xuseen Iid, isaga oo ah Ergeyga Gaarka ah ee IOFS ee Afrika….

Mudane Saciid Xuseen Iid waa aqoonyahan khibrad shaqo oo gaareysa 25 sano leh, waxa uu ka soo shaqeeyay xilal kala duwan sida mid dowladeed oo sare iyo mid ganacsi oo gaar loo lee yahay. Waxa uu ku takhasusay beeraha iyo horumarinta xoolaha, maamulka ganacsiga, horumarinta siyaasadda iyo nidaaminta, horumarinta dhaqaalaha reer miyiga iyo kuwo kale.

Saciid Xuseen Ciid waaya-aragnimadiisa ballaaran ee heer gobol iyo mid caalami ah waxaa ka mid ah in uu soo noqday Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2017, isagoo sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2015 ilaa 2017. Laga soo bilaabo 2016 ilaa sanakdan 2022 waxa uu ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay hay’adda IOFS, waxaa Siciid looga maarmi waayey khibradiisa durugsan ee uu lee yahay shaqadan.

“…Waxaan hubnaa in Mudane Siciid Xuseen Iid dedaalkiisa iyo waayo-aragnimadiisa xirfadeed ee baaxadda leh ee ka shaqaynta siyaasadda beeraha iyo xoolaha ee kala duwan, kor u qaadidda awoodaha, sida ilaalinta dhirta, hirgelinta barnaamijyo badan oo dhinaca beeraha ah iyo horumarinta dhaqaalaha reer miyiga ay gacan ka geysan doonto ​​hawlaha IOFS ee Afrika iyo sidoo kale dalalka Islaamka….”

Iofs

Ururka Islaamka ee Sugnaanta Cunnada (IOFS), waa urur cuntada iyo beeraha ka shaqeeya, waana mid ka mid ah siddeedda machad ee gaarka ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee diiradda saaraya horumarinta beeraha iyo horumarinta reer miyiga iyadoo diiradda koowaad la saarayo cunto-yarida baahsan iyo sugnaanta cuntada ee dalalka xubnaha ka ah.

Waxaa la asaasay 2012 iyadoo la qaatay qaraar kalfadhiga 39-aad ee Golaha Wasiirada Arimaha Dibada ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC shirkaas oo ka dhacay Pakistan, waxay si firfircoon ula shaqeysaa ururada dawliga ah sida Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha si kor loogu qaado sugnaanta cunnada iyo ka hortagga cunno yarida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *