Hay’adda Tadamun oo mashruuc biyo dhaamin ah ka fulisay gobolada Haylaan iyo Sanaag-Sawiro

Published: March 29, 2017

Hay’adda Tadamun oo kaashanaysa Somali Relief Trust(SRT) oo fadhigeedu yahay dalka Denmarka ayaa mashruuc biyo dhaamin ah ka fulisay deegaano ka tirsan gobolada Sanaag iyo Haylaand ee Puntland-Soomaaliya.

Biyo dhaaminta ayaa laga sameeyey deegaanada lagu magacaabo Kala-dhacda ,Booda oo ka tirsan degmada Dhahar ee gobolka Hayland iyo deegaanka Biya-gaduud oo hoostagta degmada Baran ee gobolka Sanaag, waxaana ka faa’ideystay mashruucaasi biyo dhaaminta ah 576 qoy.

Deeganaada la gaarsiyey biyaha ayaanan lahayn ceelal, waxa ayna noloshooda dadka ku tiirsanaayeen biyaha roobka oo kasoo daahay laba xilli roobaad.

Dhinaca kale Tadamun ayaa wada mashruuc ballaaran oo lugu taageerayo dadku abaarto Saamaysay waxayna wadaa mashaariic ay ka midtahay Quudin, Caafimaadka Guurguura (Mobile Health) Biyo Dhaamin iyo Ceelal Qodis

Hay’adda Tadamun ayaa Puntland ka shaqaynaysay muddo ka badan 25 Sano.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *