Hay’adda Tadamun Oo Sagootisay Arday Dhamaystay Dugsiyada Dhexe iyo Sare

Published: June 7, 2023

Hay’adda Tadamun ayaa munaasabad sagootin ah u samaysay 35 arday oo kamid ah ardayda qaxootiga ee wax ka barta magaalada Qardho, kuwaas oo ka gudbay fasalada 8aad iyo 12aad.

Munaasabadda Sagootinta ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka gobolka Karkaar, guddoonka waxbarashada, macalimiinta iskuulada iyo waalidiinta ardayda waxbaratay.

Ardayda Qaxootiga ee wax ka barta magaalada Qardho oo xiligan tiradoodu dhan tahay 560 arday ayaa ka faa’idaysta mashruuc waxbarasho oo ay maalgeliso hay’adda UNHCR, isla markaana fuliso hay’adda dowliga ah ee Tadamun.

Horseed Media