Hay’adda Tayodhowrka Soomaaliya oo qabatay raashin dhacay oo laga keenay Turkiga

Published: March 13, 2024
Shares58

Hay’adda Tayodhowrka Soomaaliya ayaa maanta dekeda magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay raashin dhacay kaas oo laga keenay dalka Turkiga, isla markaana ay dalka keeneen ganacsato Soomaaliyeed.

Raashinka la qabtay oo ahaa todoba konteenar oo Bur ah ayey sheegtay hay’adda tayodhowrku inuu waqtigii uu dhici lahaa ay ahayd bisha 3aad ee sanadkan 2024.

Agaasimaha kormeerka badeecadaha ee hay’adda tayadhowrka, Maxamuud Cilmi Fiidshe ayaa sheegay in ay joojiyeen in burkaasi uu suuqyada galo si aysan uga dhalan khatar caafimaad, isagoo intaasi ku daray in la burburin doono.

Horseed Media