Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa Talaadadii ka digtay in colaadda ka taagan…
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa Talaadadii ka digtay in colaadda ka taagan Suudaan ay ku riixdo hal milyan oo qof inay isaga soo cararaan dalkaas, iyaga oo ka baxaya xuduudaheeda.
Ilaa hadda, iskahorimaadka u dhexeeya kooxaha millatari ee dagaallamaya, oo billowday bartamihii bishii Abriil, ayaa sababay in ku dhawaad 600,000 oo qof ay u qaxaan dalalka deriska ah, sida Masar, Chad, Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
“Nasiib darro, markaan eegno sida ay wax u socdaan, marka loo eego xaaladda Darfur, waxay u badan tahay inaan dhaafno 1 milyan,” ayuu yiri Raouf Mazou, Kaaliyaha Wakiilka Sare ee Hawlgalka UNHCR.
Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 2.5 milyan oo qof inay tan iyo bishii April ay ka barakaceen guryahoodii.
Horseed Media