Hay’adda USAID oo lacag loogu talagalay wax ka qabashada Abaaraha u ballan-qaadday Soomaaliya

Published: July 24, 2022
USAID
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxada Hay’adda USAID Samantha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Xasan sheekh

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga Hay’adda USAID ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta barnaamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso barnaamijyada lagu horumarinayo maareynta biyaha, dhalinta tamarta, wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, sii wadidda dowlad dhiska Soomaaliya iyo daadejinta hannaanka Federaalka si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan isku filnaansho buuxda iyo horumar baahsan.

Dhankeeda, Marwo Samantha Power ayaa ballan-qaadday in Hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan.

Deeqdan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo hormarinta adeegyada muhiimka ah.

Booqashada ay dalka ku soo gaartay Marwo Samantha Power ayaa sii xoojinaysa iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyeed ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *