Hay’adda WHO oo Cambaaraysay Duqaymaha Somaliland Ka Geysanayso Laascaanood

Published: July 14, 2023

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay, inay ka xun tahay isla markaana ay cambaaraynayso weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taala magaalada Laascaanood, 11kii bishan July 2023, sida ay hadalka u dhigeen.

Tedros adhenom, madaxa hay’addaas ayaa qoraal uu ku soo qoray barta twitterka ku sheegay in weerarkaasi uu sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanadii cisbitaalkaas.

” WHO waxay cambaaraynaysa weerarka lagu qaaday xarumaha adeega caafimaadka ee Laascaanood kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca daraasiin dad ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha adeega caafimaadka iyo bukaan” ayuu yidhi Adhanom.

Maamulka Somaliland ayaa duqaymo iyo xasuuq ka geystay goobaha caafimaadka, xilli muddooyinkii u danbeeyey uu dagaal uu ku dhexmaray magaaladaas Laascaanood maamulkaasi iyo shacabka SSC.

Horseed Media