Heshiiskii Saldhiga Imaraadka Carabta ee Berbera oo Qalinka Lagu Duugay-Video.

Published: March 19, 2017

Magaaladda Abu-dubai ee imaaraadka Carabta waxaa maanta si rasmi heshiis ugu kala saxeexday masuuliyiin ka socday Somaliland iyo wakiilo metalayay dowladda Imaraadka, kaasi ogolaanaya in magaaladda Berbera ay ka samaystaan saldhig milateri .

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in heshiiska la saxiixay uu ka kooban yahay 7 qodob, kaasi oo daba socda heshiiskii ay hore u ansixiyeen labada golle ee Barlamaanka Somaliland.

Qodobada lagu heshiiyay,

1- Ciidamada Imaaraadku loo ogolaaday isticmaalka garoonka diyaaradaha ee Berbera.

2- Dhismaha Jidka isku xira Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km

3- Imaaraadku oo suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadinniinta Somaliland.

4- Imaaraadku oo taageeri doona shirkadaha maalgashiga imaaradku ay maalgashtaan Somaliland

5- Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca Ammniga

6- heshiiskan wuxuu albaabad u furi doonaa Somaliland iyo Beesha Caalamka.

7- labada dhinac waxay isku afgarteen in Imaaraadku gargaar deg deg ah gaarsiiyo dadka Abaartu saameysay.

Gees kale, Munaasabadda Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa , Madaxweyne K/xigeenka Somaliland C/raxmaan Cirro, guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal, iyadoo dhinac Somaliland uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha dibada Sacad Cali Shire, halka dhina imaaraadkana uu saxiixay Maxamed Al-Suwaydi oo aan la shaacin masuuliyadda uu ka hayo dowladda imaraadka.

Horseedmedia 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *