Hiiraan: Al Shabaab oo dagaal looga saaray deegaanka Moqokori

Published: February 28, 2018

Deegaanka Moqokori oo ka tirsan gobalka Hiiraan ayey saaka ka dhaceen dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowlada Federaalka iyo kooxda Al Shabaab.

Dhulkaasi oo ay horey gacanta ugu hayeen maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa saaka waxa duulaan ku qaaday ciidamada dowlada ee gobalka Hiiraan dhaq dhaqaaqa ka wada.

Saraakiisha u hadlay ciidamada dowlada ayaa sheegay inay gebi ahaan gacanta ku hayaan deegaankaasi, maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa goobtaasi isaga baxay kadib dagaal saacado socday.

Waxaa bilihii lasoo dhaafay sii xoogeysanayey iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowlada Federaalka iyo Al Shabaab ee gobalada Hiiraan & Shabeelada Dhexe.

Kooxda Al Shabaab ayaa ku dadaaleysa inay siiheysato deegano dhowr ah oo muhiim u ah wadooyinka isku xira gobalada dhexe iyo koonfurta oo ay kooxdaadi adeegsato.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *