Hiiraan: Ciidanka Dowladda oo la wareegay deegaanka Booco oo al-Shabaab muddo haysteen

Published: September 20, 2022

Ciidamada dowladda federaalka, iyo malayshiyaadka loo yaqaan Macawilsey ee beelaha is abaabuley oo dagaal xooggan ku hayey malayshiyada al-Shabaab ayaa la xaqiijiyey in ay maanta la wareegeen deegaanka Booco oo ka titrsan gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo kamid ah masuuliyiinta dagaalka hoggaamineysa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Booco lagala wareegay al-Shabaab.

Booco ayaa qiyaastii 40km dhanka koonfureed uga beegan xarunta Hiiraan ee Beledweyne, muddo dheer ayey ahayd meel gacanta ugu jirta al-Shabaab, waxaana ku taaley maxkamad al-Shabaab iska lee yihiin.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijyay maalintii shalay in 75 kamid ah Alshabaab lagu dilay howlgal ay ciidamada ka sameeyeen deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.

In Booco ay ka baxdo gacanta malayshiyaadka al-Shabaab ayaa ku soo beegantey xilli al-Shabaab ay soo bandhigeen malayshiyaad ay sheegeen in ay beelaha la dagaalami doonaan, si lamid ah Sayid Maxamed Cabdulle Xasan sidii uu beelaha ula dagalaami jirey, sida ay hadalka u dhigteen.

Horseed Media