Hiiraan: Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaano horleh

Published: September 12, 2022
Shares82

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Deegaanadaasi waxaa ka mid ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaare xooggan oo ka dhashay dagaalo halkaasi ka dhacay.

Deegaanadan ayaa kamid ahaa goobaha ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen Ururka Al-shabaab.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay guud ahaan gobolka Hiiran ka socday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab kaas oo hor-kacayeen Maamulka gobolka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *