Hiiraan – Laba beelood oo la heshiisiinayo

Published: February 2, 2020

Deegaanka Bacda oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka bilaawdey kulamo al loogu raadinayo dagaal beeleed ka dhacay deegaankaas iyo dilal aanooyin qabiil ah.

Kulamada ayaa waxaa ka qeyb-galay Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame & Taliyaha Guutada 13aad G/lle Cabdirixmaan Timadheere iyo Odayaasha & waxgaradka labada Beelood.

Maleeshiyaadka labada Beelood dagaalkooda xalka loo raadinayo ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan degmooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan,waxaana saraakiisha Ciidanka xoogga ay odayaasha labaa beelood fareen in muddo ku siman laba bilood iyo Bar gudahood ay ku kala qaataan Magta dadkii halkaas kudhintay.

Deegaanka Bacda iyo tuulooyinka kale ee hoostaga degmada Matabaan ee dagaalada horey uga dhaceen ayaa xaaladooda waxaa ay tahay mid degan,kadib markii saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo waxgaradka labada beeood ay ku baxeen dagaalkii socdey.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *