Hiiraan: Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre oo Beledweyne lagu soo dhaweeyey

Published: August 25, 2022
Xamse cabdi  hiiraan booqday

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa gaaray magaalada Beledweyne.

Wefdiga raysalwasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Xasan ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Hirshabale, Cali Guudlaawe ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa iyo masuuliyiin kale, waxaana uu salaan sharaf ka qaatey qaar kamid ah ciidanka xooga dalka.

Qoraal ka soo abxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in ujeedada safarkiisu ayaa ah u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.

Ciidamada Gorgor ee xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii u danbeysey hawlgalo ka wadey gobolka Hiiraan ay ku baacsanayaan malayshiyaadka al-Shabaab, gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha al-Shabaab ku xoogan yihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *