Hiiraan: Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

Published: December 20, 2022

Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta ee ku sugan deegaanka Tareshante oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne.

Sarkaalkaan isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Xasan Ibraahin, kaasoo Al-shabaab u qaabilsana dhanka Gaadiidka kana mid ah kooxda mudo 6 sano ah.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamuud Xasan Ibraahin Baakaay oo ka hadlay isa soo dhiibista sarkaalkaan Shabaabka ka midka ahaa ayaa ugu baaqay kuwa la midka ah ee wali u dagaalamaya kooxda Shabaab iney fursad heystaan oo ay isa soo dhiibi karaan.

Maalmaahii dambe waxaa si weyn usoo kordhaayay saraakiisha iyo shaqsiyaadka ka tirsan kooxda Shabaab oo isku soo dhiibaya ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo ku howlan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Horseed Media