Hiiraan: Taliska ciidanka xoogga dalka oo sheegay in ay dileen 75 katirsan Al-shabaab

Published: September 19, 2022

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijyay in 75 kamid ah Alshabaab lagu dilay howlgal ay ciidamada ka sameeyeen deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.

Sidoo kale Howlgalka waxaa lagu qab qabtay tiro maxaabiis ah, iyadoo uu wali socda halka ciidamada Xoogga Dalka ay ku sii siqayaan deegaano horleh oo Al Shabaab ay horay ugu sugnaayeen.

Hadalka Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo aadaya kadib markii ay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya war ay soo saartay ku sheegtay in 45 katirsan Alshabaab lagu dilay Yasooman.

Dowladda Soomaaliya waxay soo bandhigay hub isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culus oo laga furtay Al-shabaab.

Horseed Media