Hiiraan: Tirada Dhimashada ee Qaraxii Beledweyne oo kor u kacdey

Published: September 23, 2023
Shares4

Beledweyne, Somalia- Qarax weyn oo geystey khasaare xooggan ayaa maanta oo Ssabti ah ka dhacay magaalada Beledweyne, weerarkan ayaa sababay dhimashada dad ka badan 20 qof oo u badan rayid.

Qaraxa ayaa yimid kadib markii ciidamada amaanka ay ku joojiyeen gaari ay ka shakiyeen oo marayay Koontaroolka Horseed ee xaafada Xaawo Taako. gaariga qarxay oo ahaa nooca xamuulka ayaa gebi ahaanba basbeelay, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray dhismayaal ka agdhawaa goobta, sida xarumaha shidaalka iyo dukaamo ku yaala wadada.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah qoys ka agdhawaa goobta isbaarada oo dhamaantood qaraxa ay ku nafwaayeen. Muuqaalo badan oo ku wareegayay baraha bulshada ayaa muujinayay dab gubanaya iyo dhismayaal dumay oo ku yaaley goobta ganacsiga ee mashquulka badan.

Qaraxan ayaa laga maqlayay guud ahaan magaalada Beledweyne, waxaana la arkayay uuro aad u xooggan. Sidoo kale waxaa la sheegay in rasaas xooggan ay dhacday qaraxa kadib.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ah magaalada labaad ee ugu badan dalka Soomaaliya marka laga reebo magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan qaraxyadu.

Bishii June 2009, qaraxii lagu hoobtay ee Hotel Madiina ayaa galaaftay nolosha siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal uu ka mid ahaa Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi. Sidoo kale qaraxii dhaca Bishii Maarso 2022 ayaa galaaftey Xildhibaano hore iyo siyaasiyiin kale

Horseed Media