Hindiya oo laga helay kiiska ugu horeeyey ee xanuunka Mpox

Published: September 8, 2024

Hindiya ayaa diiwaangelisay kiis looga shakisan yahay mpox oo laga helay nin dhawaan ka soo safray waddan uu ka dillaacay fayraska, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay Axaddii.

Bukaanka ayaa lagu go’doomiyay isbitaal wuxuuna ku jiraa xaalad baaritaan, ayay wasaaraddu sheegtay.

Wasaaraddu ma aysan cayimin nooca fayraska mpox ee uu bukaanka laga helay, laakiin baaritaanno ayaa la sameeyay si loo xaqiijiyo cudurka.

Mpox-ku wuxuu ku faafo waa xiriir dhow. Waxaana lagu gartaa calaamadaha hargabka iyo nabarrada jirka kasoo baxa ee wata malaxda.

“Kiiska waxaa loo maareynayaa si waafaqsan hab-maamuusyada la dejiyay, waxaana socda baaritaanada xiriirkiisa si loo ogaado meelaha suurtagalka ah iyo qiimeynta saameynta uu ku yeelan karo gudaha dalka,” ayay tiri wasaaraddu.

Bishii la soo dhaafay, wargeyska maalinlaha ah ee Hindu ayaa sheegay in Hindiya ay heegan ku jirtay tan iyo markii nooc cusub oo mpox ah uu ka dilaacay Afrika.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay cudurkan dillaacay isla markaana xaalad degdeg ah oo caafimaad dadweynaha geliyey, markii la aqoonsaday nooc cusub ee Mpox.

Horseed Media