Hirshabeelle: Jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Beledweyne

Published: March 25, 2022

Gudiga Hirgalinta Doorashada Hirshabeelle SEIT ayaa shaaciyay qabashada 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Deegaan doorashada labaad ee Beledweyne.

Kuraasta saakay ay sheeciyeen guddiga ayaa kala ah:

HOP#058
HOP#019
HOP#059
HOP#039

Sidoo kale waa Kuraasta ugu dambeysa ee 25 kursi ee taala deegaanka doorashada labaad ee Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulka Hirshabeelle wali waxaa u harsan lix kursi oo doorashada Golaha Shacabka oo lagu qabanayo caasimada maamulkaasi ee Jowhar.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *