Hirshabeelle: Ku Dhowaad 500 Kun oo ruux ayey saameysay Dufaantii Elnino

Published: February 23, 2024

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.
Waxaa shirka ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SODMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga dhageystay Hay’adda SODMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay duufaantii Elnino.

Sidoo kale waxa ay warbixinta kusoo gudbiyeen inay ku dhawaad 500 kun oo ruux ay ku saameysay gudaha Hirshabeelle, haddana 65% waxaa cabsi laga qaba duufaanta Elnino inay ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inay ka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

Horseed Media