Hirshabelle oo faahfaahisey khasaaraha 17 Luulyo ka dhacay Jowhar

Published: July 21, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu Wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha ayaa maanta warbixin looga dhageystay Guddiga Gurmadka Qaraxii 17-ka July ee ka dhacay Magaalada Jowhar, iyagoo soo bandhigay macluumaad ay ka uruuriyeen baaxada iyo saameynta qasaaraha uu geeystay qaraxaas.

Gudiga ayaa Madaxweynaha iyo Xubnaha Golaha la wadaagay in guryo iyo hanti badan oo dhextiilay guryahaas ay ku baaba’een qaraxaasi ay argagixisadu gaysteen waxaana ay sheegeen in hantida burburtay oo ay diiwaangaliyeen ay ku qiimeeyeen ku dhowaad Laba milyan iyo bar oo dollar ($2,500,000).

Madaxweynaha ayaa warbixinta xaaladaha guud ee abaaraha ka dhageystay Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay dukumenteri muuqaal ah oo ay kasoo diyaarisay baaxada abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle iyo sida ay u saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha iyo Golihisa ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaaaalaha ka dhageystay barnaamijka istaraatiijiyada kordhinta dakhliga Hirshabeelle.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *