Hirshabelle oo Ka Laabatay Go’aankii ay Ku Joojisay Wadashaqayntii Hay’adaha Qaramada Midoobay..

Published: March 27, 2017

Dowladda Goboleedka Hirshabele ayaa ka noqotay go’aan ay shalay ku joojiyeen wadashaqayntii ay la lahaayeen Qaramada Midoobay, ka dib markii uu madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble uukulan la qaatay Xubno ka tirsan Qaramada Midoobay oo maanta soo gaaray magaaladda Beledweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan , waxaana uu ballanqaaday inuu maamulkiisu uu la shaqayn doono hay’adaha Qaramada midoobay ee Soomaaliya.

Kulanka oomadaxweynaha ay Ku wehliyeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle, waxay saraakiisha Qaramada midoobay kala hadleen wax ka qabashada baahiyaha ka jira deegaanada Hirshabelle, iyadoo Qaramada midoobay ay balanqaadeen in ay La shaqeyn doonaan Xukuumadda Cusub Ee maamulkaasi

Madaxweynuhu wuxuu warbixin ka dhageysay Saraakiisha QM, oo faahfaahi ka bixiyay barnaamjiyadda ku Aadan Waxqabadkooda, Iyo qorshayaasha uga degsan mashaariic fulinta deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa Ka dalbaday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne in ay muujiyaan doorkooda kaga Aadan dib u dhiska Iyo horumarinta Guud ahaan Deegaanada Hirshabeelle, Iyo in ay xaliyaan Cabashada dadka Deegaanka oo ay si wanaagsan ula shaqeeyaan, islamarkaana ay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adda xukuumadiisa, kaalina ay ka qaataan sidii loo tayayn lahaa..

“Maalin kaddib oo maalinta arbacada ah ayuu qorshuhu yahay mar kale in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Iyo Qaramada Midoobay in kulan midkan ka balaaran ay kulmaan islamarkaana ay kaga wada hadlaan dar dargalinta dib u dhiska Iyo horumarinta Hirshabeelle, Iyo sidii loo caawin lahaa dadka abaaraha La daalaa dhacaya” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Hirshabelle.

Gabagabadii, Imaashaha saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa imaanay, iyadoo maalintii shalayXubno ka tirsan gollaha wasiirada eeHirshabeelle ay ku eedeeyeen qaramada Midoobay wax qabad la`aan , xili abaar adag ay ka jiraan sida ay hadalka u dhigeen deegaannada uu maamulka ka arimiyo, waxayna joojiyee dhammaan wixii wadashaqayn ah ee ay la lahaayeen Qaramada Midoobay.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *