Hogaamiyaha cusub ee Suuriya oo sheegay in diyaarinta doorasho ay qaadan karto ilaa afar sano

30 December, 2024

Qabanqaabada doorashada Suuriya waxay qaadan kartaa ilaa afar sano, samaynta dastuur cusubna waxay qaadan kartaa saddex sano, ayuu yiri Axmed Al-Sharaa.

Hoggaamiyaha kooxda xukunka ka tuuray madaxweyne Bashaar Al-asad, ayaa arrintan ku sheegay wareysi ay baahisay warbaahinta dowladda Sacuudiga Axaddii. Waana markii ugu horreysay oo uu ka hadlo jadwalka doorashada ee suurtagalka ah tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad.

Qorista dastuur cusub waxay qaadan kartaa ilaa saddex sano, ayuu Sharaa ku sheegay wareysiga uu siiyay warbaahinta dowladda Sacuudiga ee Al Carabiya. Waxa kale oo uu sheegay in ay ku qaadan doonto muddo sannad ah in Suuriyaanka ay arkaan isbeddello xooggan.

Horseed Media