Hogaamiyaha Iran oo sheegay in dadka u soo baxay doorashada madaxtinimo ay ka hooseeyeen sidii la filayey

Published: July 3, 2024
Shares14

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei ayaa Arbacadii sheegay in dadka u soo baxay wareegii koowaad ee doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ay “ka hooseeyeen sidii la filayey”, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Tasnim.

Dadka u soo baxay doorashada ayaa ahaa ilaa 40%, wasaaradda arrimaha gudaha ee Iran ayaa sheegtay – tii ugu hooseysay ee la diiwaan geliyo tan iyo kacaankii 1979-kii.

“Waxaan rajeyneynaa in dadka u soo baxay wareegga labaad ay muhiim u noqon doonaan oo ay ku faani karaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah,” ayuu yiri Khamenei, isagoo ugu baaqay dadka Iiraaniyiinta ah inay codkooda dhiibtaan Jimcaha soo socda.

Codbixinta Jimcaha ayaa noqon doonta tartan adag oo u dhexeeya xildhibaan Massoud Pezeshkian, oo ah qofka kaliya ee dhexdhexaadka ah ee asal ahaan ka soo jeeda afar musharax iyo Saeed Jalili oo hore uga tirsanaa Ilaalada Kacaanka.

Doorashada ayaa lagu wadaa in lagu doorto madaxweynihii bedeli lahaa madaxweyne Ebrahim Raisi, kaasoo ku dhintay shil diyaaradeed bishii May.

Khamenei waxa uu intaa ku daray in tirada dadka u soo baxay oo aan ahayn kuwii la filayey ay sabab u tahay “dhowr arrimood” iyo in sheegashada ah in dadka aan codkooda dhiiban ay ka soo horjeedaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay “aad u qaldameen”.

Horseed Media